Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Sahra Nuur Diiriye oo ku geeriyootay dalka Australia. Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeynayaa Ilma Shukri Jaamac gaar ahaan Ganacsade Maxamed Shukri, Keyse Shukri, Cabdixakiim Shukri, Mustafe Shukri iyo qoyska oo idil,

Friday November 27, 2020 - 12:07:21
0 Comments
688
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Hoggaanka, Fulinta, Garabbada Dhallinyarada iyo Haweenka, laamaha dibedda & Gobollada ee Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Sahra Nuur Diiriye oo ku geeriyootay dalka Australia.


Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuummadda si gaar ah uga tacsiyadeynayaa dhammaan qoyska Ilma Shukri Jaamac gaar ahaan Ganacsade Maxamed Shukri, Keyse Shukri, Cabdixakiim Shukri, Mustafe Shukri iyo qoyska oo idil, waxa uuna Illaahay uga baryayaa Marxuummada in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo carruurta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
    Barkhad Jaamac Batuun




Leave a comment