Musharraxa madaxweynaha xisbiga WADDANI ayaa si dhakhso ah uga jawaabay baahida dhinaca laydhka ee cisbitaalka magaalada Balligubadle kadib markii laba habeen ka hor hooyo qalliin ku socdo laydhku ku bakhtiyay kadibna qalliinka lagu sii waday toosh.

Saturday March 23, 2024 - 10:17:08
0 Comments
44
Xisbiga WADDANI
Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Xisbiga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Afhayeenka garabka dhallinyarada Heer Qaran Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen iyo Siyaasi Kayd Maxamed Axmed Mudhleeye oo ka wakiil ah musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa cisbitaalka ku wareejiyay mashiin dabooli doona baahida laydhka ee cisbitaalka. Masuuliyiinta ayaa sheegay in markii ay musharraxa la wadaageen baahidaasi taabatay dareenka bulshada uu si dhakhso ah u amray mashiinka la gaadhsiiyay cisbitaalka May be an image of service vehicle, snowplow and textMay be an image of water heater and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of text

Leave a comment