TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, waayeelka, waxgaradka iyo guud ahaan Qaranka uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Abiib Diiriye Nuur (Timacad).

Sunday April 07, 2024 - 17:30:01
0 Comments
99
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga oo ku hadlaya magaca hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waayeelka, waxgaradka iyo guud ahaan Qaranka uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Abiib Diiriye Nuur (Timacad). Musharraxu waxa uu marxuumka ku sifeeyay siyaasi cabqari ahaa iyo oday Qaran oo samatalis ahaa, si weynna uga soo qeyb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadeyntii JSL muddadii siyaasadda dalka ku soo jiray oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay. Musharraxu waxa uu marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu janatul firdawsa ka waraabiyo ehelka iyo qaraabadii uu ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. ‎إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi May be an illustration of ticket stub and text

Leave a comment