TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahin Maxamed Nuur oo ku geeriyooday Magaalada London ee Carriga Ingiriiska.

Saturday January 09, 2021 - 22:41:02
0 Comments
540
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahin Maxamed Nuur oo ku geeriyooday Magaalada London ee Carriga Ingiriiska.

 

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay oday samatalis ah oo door weyn ka soo qaatay halgankii iyo nabadayntii Somaliland haddana ka mid ahaa odayaasha Xisbiga WADDANI. Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

                                           

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

       Barkhad Jaamac Batuun



No photo description available.


Leave a comment