Hargeysa (Xisbiga Waddani) kumanaan iyo kumanaan ka tirsan Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani ayaa maanta soo buux dhaafiiyay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Magaalada Hargeysa, waxana kala qayb galay masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani.
Maayarka Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge,Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Xildhibaano iyo saraakiisha sare ee xisbiga, ayaa maanta kala qayb galay taageerayaasha isbedel doonka ah ee xisbiga oo cududooda taageero ee ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay fagaaraha Beerta xorriyada.