Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo Caawa Soo Saaray Qoraal War-gelin iyo Raalli-gelin ah

Wednesday October 16, 2024 - 00:20:18
0 Comments
43
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) qoraal uu caawa soo saaray Musharaxa Madxweyne ee Xisbiga Waddani. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u qornaa sidan:

"Xisbi ahaan iyo Musharrax Madaxweynaba, waxa aan raaligelin buuxda siinaynaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee degmooyinka Sabowanaag, Caddaadley, Balli-Maataan, Qoton-dabo iyo Balli-Kaliil oo si weyn oo mug leh ugu diyaar garoobay safarkii wacyigelinta ahaa ee aan anniga iyo wafdigaygu ku iman lahayn deegaanadaas berri oo Arbaca ah iyo saadambe oo khamiis ah 15-16 Oct 2024.
Safarka waxa aan u baajinnay annaga oo u hoggaansamaynna amarka caawa ka soo baxay Guddida Anshaxa ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddii ALLE idmo, xilli kale oo munaasib ah baanu soo booqan doonnaa deegaanadaas.


Leave a comment