Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Aadan Muuse oo ku geeriyooday saaka Magaaladda Hargeysa

Wednesday December 23, 2020 - 11:48:31
0 Comments
506
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Aadan Muuse oo ku geeriyooday saaka Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxu marxuumka ku siffeeyey odey samo-talis ah oo kamid ahaa odayaasha Magaaladda Hargeysa caanna ku ahaa Nabadda iyo Wada-jirka Umadda.Guddoomiyuhu waxa si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Mawliid Cali Aadan Muuse (Mawliid Cali-Dhure) oo ka mid ah Madaxda waaxda warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Marxuumkuna Aabihi ahaa.

Guddoomiyuhu wuxu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment