Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, ehelada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxamuud Diiriye, Agaasimihii hore ee samafalka madaxtooyada Somaliland iyo Marxuumad Caasha Cali Xasan

Wednesday December 02, 2020 - 09:06:43
0 Comments
637
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxamuud Diiriye, Agaasimihii hore ee samafalka madaxtooyada Somaliland oo Hargeysa ku geeriyootay.

Guddoomiyuhu wuxuu ku sifeeyay Marxuumadda addoon wanaagsan oo muddo ka shaqaynaysay samafalka iyo u gargaaridda dadka jilicsan.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo bahda waxbarashada ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Caasha Cali Xasan oo Hargeysa ku geeriyootay Xalay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Marxuumad Caasha ku astaysnayd horumarinta waxbarashada, islamarkaana soo saartay ubad badan oo waxbartay muddadii ay ku dhex jirtay waxbarashada iyo muddadii ay ahayd maamulaha dugsiga Hoose Dhexe ee ex Riis.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya labada Marxuumadood in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun





Leave a comment