"Waxaanu Leenahay Cawo Yar Caddaaladii Ay Qaranka Ka Doonaysay May Helin "

Sunday October 18, 2020 - 18:31:13
0 Comments
491
Xisbiga WADDANI
Hargeysa (WMG) Xisbiga WADDANI ayaa si adag uga soo horjeestay xukunka ay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku riday toddobadii nin ee ku eedaysnaa kufsigii bishii Juun ee sannadkan loogu Geystay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa Gabadh yar oo 14 jir ah, taas oo Magaceeda lagu sheegay Cawo Xariir Raage

Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis oo war-baahinta kula hadlayey Xarunta Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in aan Maxkamadda laga filayn inay xukunkaas fudud ay ku xukunto eedaysanayaan loo haystay inay kufsigaas kula kaceen gabadhaas yare e Cawo Xariir Raage,waxaanu haddalkiisu u dhignaa sidan:- "Waxaanu halkan aad iyo aad uga cambaaraynaynaa oo aanu aad iyo aad uga xunahay xukunka kasoo baxay shalay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex,oo ahaa inan yar oo kufsi loogu geystay Magaalada Hargeysa gaar ahaana xarunta agoomaha ee Hargeysa ku taala,arrintaas muddo baddan ayey soo jiitantay 21 bishii Juun ayaanu ka haddalnay arrinteeda oo waalidkeeda iyo ehelkeeduna ay bulshada la wadageen,shalay xukun ayaan ka soo baxay ,kaas oo aanay ummaddu filayn annaguna aananu filayn oo damiirka iyo dad-nimada ka fog ayaa ka soo baxay Maxkamadda.”Ayuu yidhi


Waxaanu intaas ku sii daray Xoghaye Yoonis oo haddalkiisa sii wataa "Cawo yar marka koobaad waxa la caddeeyey inay maskaxda ka xanuunsanayso aabbeheedana wuu indho la’yahay,waa dad danyar ah ,waxa ku dhacay tacadi weyn, markaa aad ayaan uga xunahay in Maxkamaddii si ay uga dhacdayba inay xukun ay tidhi dadkii 7 qof ayaa loo hayey 7-dii qof afar kamid ah ay tidhi suuqa iska jooga qaarna xukun aan u qalmin ay ka soo saartay ,markaa aad iyo aad ayaanu uga xunahay,waxay ahayd inay Cawo yar ay hesho magdhow nafeed iyo mid maal,nafteedii ayaa khatar la geliyey, dadka intaa leeg ayaa tacadi ku sameeyey,waxay ahayd inay xataa Maxkamaddu ay magdhow u xukunto ,wax alaale waxa magdhow ah oo ay u xukuntayna ma jirto.”Ayuu yidhi

Dhanka kalene Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga WADDANI Yoonis ayaa ugu Baaqay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay kafaalo qaadato Cawo iyo qoyskeeda, madaama ay yihiin qoys danyar ah, isla markaana ay magdhow ka siiso tacadigaas loo geystay"Waxaanu Dowlada Somaliland u soo jeedinaynaa inay Cawo yar iyo qoyskeedaba ay Dowladu kafaalo qaado oo magdhow ay siiso,waayo qoyskaasi waa qoys dan yar ah xanuunsanaya ,waa dad jilicsan oo tacadigaasu uu ku dhacay,haddii aan Dowlad nimadu danyarta u adeeggin Somaliland Dowlad nimadeedu ma taabagelayso oo horumar ma samaynayso .”

Geesta kalene Xoghaye Yoonis ayaa sheegay in xukunkan noocan ahi ee ka soo baxay Maxkamadda uu yahay mid lagu dhiiri gelinayo kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah Haweenka "Garsoorkeenii inay liitaan waxa kuu caddaynaysa xukunadda ka soo baxay xukunadda noocani waxay ahayeen inay noqdaan xukuno adag oo lagu joojinayo tacadiyada ku dhacaya haweenka reer Somaliland, xukunka maanta ka soo baxay Maxkamaddu wuxuu sheegayaa oo uu bar bilow u yahay in lagu dhiirado kufsi baddan,waayo xukunadda noocani ma xadayn karaan oo ma joojin karaan danbiilayaasha dumarka dulmiyaya,markaas dulmigaa ku dhacay inantaa yar iyo haweenka reer Somaliland, kufsigiii wuu soo batay Maxkamaddihii iyo xukunaddii meesha la doonayeyna ma yaalaan gacmo is dhaafsan ayaad moodaa inay Maxkamaddii ku shaqaynayaan oo si kale u shaqaynaya,waanu ka xunahay waxaanu leenahay Cawo yar caddaaladii ay Qaranka ka doonaysay may helin .” Ayuu yidhi Yoonis

Gebo-gebadii Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga WADDANI ayaa ku hambalyeeyey xeer ilaalinta Qaranka ee difaacaysay kiiskan Cawo mawqifka ay ka qaadatay xukunkaas iyo Rafcaan ka qaadashada xukunkaas lagu riday raggii ku eedaysnaa falkaas kufsi wadareedka ah ee loo geystay gabadhaa yar "Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa Xeer ilaalinta Somaliland oo arrintaa ku qanci weyday oo kiiskan difaacaysay Cawo yar oo Rafcaan ka qaadatay, waanu u mahad-naqaynaa ,waxaan Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamaddaha kale ee uu gaadhi doono kiiskani aan u soo jeedinayaan inay Caddaalad xukumaan .”ayuu yidhi yoonis


Leave a comment