Musharax Cirro oo Xadhiga ka jaray Xarunta Ololaha Doorashada ee Gobolka Maroodi Jeex

Thursday October 17, 2024 - 23:19:57
0 Comments
15
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xadhiga ka jaray xarunta Ololaha ee Gobolka Maroodi Jeex iyo xarunta la hadalka Bulshada (Call Center)

xaflad balaadhan oo galabta lagu qabtay xarunta Cusub ee Ololaha Gobolka Maroodi Jeex, ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani. 

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani. Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa taageerayaasha Xisbiga Waddani ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Maalmaha Ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee dhawaan la filaayo in ay ka dhacaan dalka. 


Leave a comment