Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu.
Ilaahay baa keligii mahad iska leh;
Waxa aan si milgo, qaddarin iyo maamus leh u salaamayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta sidii Somaliland caadada, dhaqanka iyo sumadda u ahayd ee qori isu dhiibka ahayd xilkii Madaxweynenimo igu wareejiyey. Waxa aan salaamayaa Madaxweynihii hore ee dalkan Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo isna safar dheer u soo galay si uu munaasibaddan qiimaha badan goobjoog uga noqdo.
Waxa aan salaamayaa Madaxweyne Kuxigeen-ka xilka wareejinaya Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Waxa aan salaamayaa Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Mudane Aadan Xaaji Cali Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, iyo Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka ee WADDANI, KAAH iyo KULMIYE. Waxa aan salaamayaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee aan walaala nahay ee dal weynaha Ethiopia Mudane Mustafe Muxumad Cagjar.
Waxa aan salaamayaa dhammaan Madaxweyne ku xigeennadii hore ee dalkan soo maray ee goobta inala jooga, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mudane Axmed Yusuf Yaasiin. Waxa aan salaamayaa mudanyaasha golayaasha Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtida), Golayaasha deegaanka, Komishanka Doorashooyinka qaranka, saraakiisha iyo dableyda ciidamada Qaranka ee kala duwan, shaqaala weynaha dawaladda, dhammaan marti sharafta iyo guud ahaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ee sida tooska ah inoo daawanaya gudo iyo dibedba.
Waxa aan soo dhaweyn, bogaadin, salaan iyo mahadnaq isugu darayaa dhammaan wufuudda dalalka kale innooga timi, safiirada iyo diblomaasiyiinta munaasibadda ka soo qeyb galay ee dalalkooda matalaya, wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee Hargeysa deggan.
Sharaf weyn bay noo tahay in aad ka soo qeyb-gasheen munaasibaddan muhiimka u ah Jamhuuriyadda Somaliland ee dunida tusaysa dimuqraadiyadeenna qori isu dhiibka ah.
Joogitaankiinnu waxa uu marag ka yahay, sida ay idinka go’an tahay in aad nagu garab istaagtaan dhismaha dawladnimada, waxaanay xoojinaysaa xidhiidhkeenna iyo niyad wanaagga saaxiibtinimadeenna oo sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa.
Waxa aan idinka mahadnaqayaa taageerada joogtada ah, ee in badan oo idinka mid ahi ay ka geysato geeddi socodka hannaanka dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyo kaalmada horumarineed iyo bani’aadamnimo ee aad dalkayaga iyo dadkayaga siisaan.
Waxa aan rejaynaynaa in aad sii wadi doontaan garab istaagga dedaallada aannu ku abuurayno Somaliland nabad ah, barwaaqo ah oo dimuqraadina ah.
Walaalayaal;
Maanta, waxa aynu soo dhaweynaynaa ‘bilow cusub oo aynnu dalkeenna innaga oo wadajira oo gacmaha is haysana ku dhisayno”. Waxa aynu furaynaa bog cusub oo ka mid ah taariikhda qarankeenna. Waa maalmo kale oo isku-duubnida, wadajirka, nabadda iyo horumarku, ay hoggaamin doonaan geeddiga mustaqbalkeenna dawladnimo, waxaana sees u noqon doono maamul wanaag, caddaalad, talo-wadaag, iyo ku dhaqanka sharciga si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa.
Waa geeddi aynu dalkeenna guryo-samo ku furi doonno Insha Allah.
Walaalayaal;
Waan dareemayaa culayska xilka maanta I fuulay, anniga oo og culayskaas iyo mas’uuliyaddas I fuushay, haddana waxaa i dhiirrigelinaya rabitaanka ay dadkaygu u muujiyeen isbeddelka hoggaanka siyaasadda ee Qarankan, iyo niyad samaanta aan ogahay in ay ila garab istaagi doonaan. Sidaas awgeed, waxa aan si hagar la’aan ah u gudan doonaa waajibaadka ay i farayso ammaanada aad ii dhiibateen ee culus.
Waxa la ii dhaariyey waa ilaalinta diinta, dalka, iyo u adeegista dadkayga; la iima dhaarin dano Xisbi gaar ahi leeyahay, la iima dhaarin dano koox gaar ahi leedahay, la iima dhaarin dano qabiil ama qeyb ka mid ah bulshada ay leeyihiin.
Walaalayaal;
Kuma midoobi karno deegaannada aynu ku kala abtirsanno, balse waxaa isku keen hayn kara, go’aankii Qarannimo ee ay halgamayaashii iyo haldoorkeennii sharafta badnaa ay Burco ku gunteen, Axdi qarameedkii Boorama iyo dastuurka shacbiga reer Somaliland aftida ugu codeeyeen.
Dastuurkeenna ayaa ka turjumaya baahideenna iyo himiladeenna. Waxaana I hagi doona mabaa’diida uu dhowray ee ay ka mid yihiin dawlad-wanaagga, caddaaladda, daahfurnaanta iyo wada-lahaanshiiyaha Qaranka.
Mar kasta oo aynnu isugu nimaadno in aynu caleemo saarno Madaxweyne ama gole cusub, waxa aynu ka marag kacaynaa awoodda dastuurkeenna, waxa aynu dunida tusaynaa ilbaxnimadeenna, waxa aynu mar kale caddaynaynaa inaynu nahay dal ku dhaqma dimuqraadiyad iyo hannaanka axsaabta badan. Anniguna waxa aan shacbigeyga u sheegayaa in aan ku dhaqmi doono una hoggaansami doono dastuurka iyo shuruucda dalkani leeyahay, dunida waxa aan cod dheer ugu sheegayaa in aan dalkan dimuqraadiyaddiisu hana-qaadday aan indhaha laga qarsan karin oo aan mudannahay Ictiraaf aanan cidna marti uga ahayn.
Walaalayaal
Waxaa iga go’an in aan dardargeliyo soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaheenna si kor loogu qaado nolosha muwaadinka loona yareeyo xadka saboolnimada. Xukuumadda Cusubi waxa ay si xooggan ula dagaalamaysaa musuqmaasaqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha oo aanan dulqaad ka yeelan doonin ( Zero tolerance).
Waxa aan xoojin doonnaa suuqa xorta ah, waxa aan abuuri doonaa siyaasado iyo jawi maamul oo dhiirrigeliya hal-abuurkiina iyo curintiina ganacsi, soona jiidan kara maalgashiga dibadeed. Waxaan ugu baaqayaa in cid kasta oo Somaliland maalgashanaysa ay xukuumadda cusubi soo dhaweynayso meel kasta oo ay dunida ka joogaan ( Ku soo dhawaada dal hodan ah oo maalgelin idiinla diyaar ah).
Waxa aan hindisi doonaa, isla markaana dhiirrigelin doonaa mashaariicda kordhinaya shaqo abuurka dhalinyaradeenna. Si taas loo helo,
waxa aannu bangiyadeenna wadaniga ah la kaashan doonnaa fududaynta deymaha, iyo maalgelinta ganacsiyada yaryar.
Maanta waxa aynnu nahay dal wax kasta dibadda kala soo dega, waxa higsigaygu yahay in aynnu wax soo saarkeenna kordhinno maadama dalkeennu yahay dal hodan ah si aynnu suuqyada dunida ugu iibgeynayno khayraadkeenna kala duwan ee dabiiciga ah.
Walaalayaal;
Waxa aannu ka shaqayn doonnaa tayeynta waxbarashada; adeegga daryeelka caafimaadka, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka; tayada dawada iyo cuntada dalka la keeno; ilaalinta iyo faya-dhowrka deegaanka; iyo in muwaadinku uu helo biyo nadiif ah.
Dhibaatada uu isbeddelka cimiladu ku keenay deegaanka oo sannadihii u dambeeyey dalkeenna lagu arkayey, waxa ay khatar ku tahay wax-soosaarka beeraha iyo xoolaha nool oo ah raasamaalkeenna dabiiciga ah. Waxa aynu dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah la kaashan doonnaa ka tabaabushaysiga, iyo u adkaysiga dhibaatooyinkaas isbeddelka cimiladu keento.
Waxa aannu xoojin doonnaa caddaaladda bulshada dhexdeeda ah, waxa aannu mudnaan gaar ah siin doonnnaa kaalinta ay haweenka iyo dadka la heyb sooco ku leeyihiin bulshada, iyo in saami caddaalad ah laga siiyo talada siyaasadda dalka.
Waxa aannu ka shaqayn doonnaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada oo laf-dhabar u ah bulshadeenna, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalka, uguna diyaarsanaadaan gudashada kaalin hoggaamineed.
Walaalayaal;
Midnimada iyo wax-wada-lahaanshiiyuhu waa seeska ugu muhiimsan ee xoojinta qarannimada. Isku duubni ayuun baa lagaga gudbi karaa caqabadaha dibadda iyo gudahaba kaga imanaya dawladnimadeenna, laguna dardargelin karaa horusocodka iyo horumarka aynnu higsanayno.
Anniga oo ilaalinaya qiyamka iyo mabaadii’da umaddayda, isla markaana ixtiraamaya shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah waxa aan xal-diblumaasiyadeed oo nabad ah ku waajihi doonnaa colaadaha ka aloosan gobolada bariga Somaliland iyo xuduudaha.
Xil weyn baa iga saaran ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonnida dalka iyo gobalkaba. Sidaas awgeed waxaa iga go’an in aan dhiso ciidan qaran oo awoodi kara ilaalinta xuduudaheenna, iyo sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida dalkayga iyo dadkayga.
Guud ahaan ciidamada kala duwan waxa aannu siin doonnaa tababarka, tayeynta iyo aqoonta ay u baahan yihiin, waxaana aannu kor u qaadi doonnaa heerkooda nololeed iyo daryeelka iyaga iyo qoysaskooda. Waxaan hirgelin doonaa mushahar kordhintii aan ballan qaaday muddo xileedkayga.
Walaalayaal; Muwaadiniintu in ay si caddaalad ah uga wada dhex muuqdaan talada siyaasadeed ee qaranku, waxa ay lagama maarmaan u tahay xoojinta wada-jirkeenna umaddnimo & dawladnimadeenna, iyo adkaynta nabadgelyada iyo amniga qarankeenna.
Waxa aan u taagnaan doonaa in muwaadin kastaa uu helo awoodda iyo xuquuqda uu sharciga u oggolyahay.
Waxa aannu ka shaqayn doonnaa in muwaadinku uu yeesho cod la maqlo, fursad sharci ahna loo siiyo in wakiilladooda ay talo ku yeeshaan siyaasadda iyo mustaqbalka Qaranka.
Walaalayaal:
Muwaadinnimadu qasab kama dhigayso in aynnu dhammaanteen isku aragti ka noqonno siyaasadda gudaheenna, kala duwanaanshiyaha afkaarteenna siyaasiga ahi, waxa ay dux u yeelaysaa go’aamadeenna, waxa aanay kordhinaysaa hal-abuurka iyo horumarka siyaasiga ah ee dawladnimadeenna.
Tixgelinta xorriyadaha siyaasadda iyo xuquuqaha rayidka ah ayaa udub dhexaad u ah, caddaaladda iyo dimuqraadiyadda labadaba.
Qorshahayagu waa in muwaadinku uu si xor ah u sheegi karo aragtidiisa, si xor ah uga qeyb qaadan karo talada siyaasiga ah, kaalinna ku yeelan karo horu-socodka Qarankiisa. Isaga oo aan ka baxayn xayndaabka shuruucda caalamiga ah, dastuurka dalka iyo xeerarka dhaqangalka ah ee dalka.
Walaalayaal:
Xukuumaddaydu waxa ay diyaar u tahay nabadeynta gobolada bariga Somaliland, inay dhigto gogol nabadeed oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn iyo in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-hadal si loo helo xal nabdeed oo siyaasi ah, taasi waxa ay keeni doontaa nabad ku wada noolaansho, isu furanka dadka iyo ganacsiga iyo is-dhaafsiga maxaabiista. Walaalayaal, waxa ina mideeya ayaa ka badan, waxa ina qeybiya.
Waxa aan ka codsanayaa hoggaamiyayaasha dhaqanka, haldoorka iyo culimada iyo beesha caalamkuba in ay kaalin fiican ka qaataan dedaalka aannu ku soo celinayno ruuxdii walaalnimo iyo wada-noolaanshiyo ee deegaananda Gobolka Sool.
Walaalayaal:
Waxa aynu nahay dal curdin ah oo halgan adag ugu jira in uu helo aqoonsi, sidaas awgeed muhiimad gaar ah ayaannu siin doonnaa, siyaasadda arrimaha dibaddda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran isaga oo aan kaalmo iyo garab ku filan dunida ka helin, ku guulaystay adkaysi iyo in uu dhisto dawladnimo iyo dimquraadiyad macno leh.
Waxa aannu dedaal u gelaynaa, in aannu dunida garawshiyo uga helno taariikhdeenna, iyo in ay aqoonsato qarannimadeenna oo dood sharci oo sax ah ku dhisan.
Xukuumadda cusub ee Somaliland waxay shaqada ka bilaabaysaa soo celinta iskaashiga beesha caalamka, si aannu u abuurno Somaliland cusub oo kaalin ka qaadata amniga iyo xasiloonida siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika iyo badda cas.
Walaalayaal:
Waxa aan qirsannahay in caqabadaha ina hor yaallaa aanay yarayn, ma dhayalsan karno qeybsanaanteenna u baahan in aynnu dib u midowno, ma yaraysan karno hoos u dhaca laxaadka leh ee dhaqaalaheenna ku habsaday, caqabadaha nabadgelyo ee jira, deynta culus ee xukuumadda cusubi dhaxli doonto, xidhiidhadii aynu dunida la lahayn oo dib u yagleel u baahan, iyo shaqada midaynta gudaha ee baaxadda leh.
Dhibaatooyinkaas xallintoodu waxa ay u baahantahay wakhti, dhabar adayg, iyo go’aamo adag, waxa aan ku kalsoonahay, in aynnu wax badan qabsan karno, dhibaato badanna ka soo kaban karno, markaanu dedaalkeeda la nimaadno, shacbiguna doorkooda shariifka ah qaataan.
Xukuumaddayda cusub ee aan soo dhisi doono maalmaha soo socda, waxa ay kaashan doontaa saaxiibbadeenna, iyo jaalkeenna caalamiga ah, si aynnu uga hortagno in caqabadaha innagu xeerani ay innaga awood badiyaan.
Waxa aan shacbigeyga ugu baaqayaa midnimo iyo inaan gacmaha is qabsanno si aan u jeexno jidka wadajirka iyo walaaleynta dadka reer Somaliland si aan u xaqiijinno hirgelinta caddaalad, sinnaan, iyo horumar uu dalkeennu ku tanaado.
Walaalayaal;
Aynnu is saamaxno dhamaanteen. Walaalayaal, aynu u ducayno dadkeenna sida aan hagrashada lahayn dalka ugu soo adeegay, iyo kuwa weli dhexda u xidhan u adeeggiisa.
Waxaana ugu horreeyaan ciidamada kala duwan ee Qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka, shaqaalaha dawladda, Ganacsatada, madaxda dhaqanka, culumada, ha-abuurka, abwaannada, aqoonyahanka, warbaahinta iyo cid kasta oo maskax, waqti ama maalgelisay sidii loo heli lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo guuleysata oo nabad ah.
Ugu dambayn;
Anniga oo magaciina ku hadlaya, waxa aan mahadnaq gaar ah u jeedinayaa madaxweynaheennii shanaad ee JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo Kuxigeenkiisii Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dhismaha iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay noqon doonaan odoyaal qaran oo dalkan taladiisa wax dhiska ah door ku yeelan doona Idamka Alle.
Dhammaantiin, waxa aan si qaddarin iyo milgo leh idinka codsanayaa in aynu mahadnaq, iyo sagootin xurmo leh sacabka ugu tunno…
Waad mahadsantihiin dhammaantiin …
SOMALILAND HA GUULEYSATO
SOMALILAND HA NOOLATO.
ALLE HA BARAKEEYO SOMALILAND