Musharax Cirro oo soo dhaweeyay Siyaasiyiin ka soo digo rogtay Kulmiye oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil

Thursday October 17, 2024 - 17:18:54
0 Comments
28
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  ayaa qaabilay Gudoomiyihii Garabka dhalinyarada kulmiye ee gobolka Saaxil iyo Xoghayihii Abaabulka oo shalay iska casilay Kulmiye kuna biiray xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani 

kulanka uu Musharax Cirro u sameeyay Masuuliyiiinta iska casilay Xisbiga Kulmiye, waxa kale oo ka soo qayb galay siyaasiyiin Miisaan culus leh oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil. siyaasiyiinita iska casilay Kulmiye oo ay wejigooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn una diyaara in ay ka qayb qaataan isbedelka dhawaan ka dhici doona dalka.


waxa goobtaasi ka hadlay siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, kuwaas oo sheegay in maanta gobolka saaxil shacabkiisu ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen isbedelka dhawaan ka dhici doona dalka, codkana ay siin doonaa Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani. 

Leave a comment