TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Khadija Cabdi Barre oo magaalada Ceerigaabo ku geeriyootay.

Wednesday March 31, 2021 - 09:10:24
0 Comments
790
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

 

 

Date: 31kaMarch 2021ka

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Khadija Cabdi Barre oo magaalada Ceerigaabo ku geeriyootay.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumadda si gaar ah uga tacsiyaynaya Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Xoghaye ku xigeenka Xisbiga WADDANI oo ay Marxuumaddu hooyadii ahayd iyo dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxday.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, Carruurtii, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun

May be an image of text

Leave a comment