TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka,asxaabta iyo waayeelka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cawil Ismaaciil Qaasaali oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Wednesday March 10, 2021 - 08:37:24
0 Comments
416
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka,asxaabta iyo waayeelka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cawil Ismaaciil Qaasaali oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay shakhsi weyn oo dad jacayl iyo ururinta bulshada ku suntana, dadkuna si weyn u xurmayn jireen, islamarkaana ka mid ahaa odayaasha mudakarka ah ee magaalada Sheffield iyo guud ahaan UK.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment