Hargeysa (Xisbiga Wadani) Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah culimada waa weyn ee Reer Somaliland .
Ugu horeyn culimadu waxay alleh uga baryeen madaxweynaha inuu xilka culus ee dhawaan loo doortey ku asturo , waxaana ay si gaar ah madaxweynaha ay kula dardaarmeen inuu dulqaad iyo samir yeesho
.
Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenkiisa , Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Barkhad Batuun .