Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Somaliland oo kulan la yeeshay Salaadiinta iyo Haldoorka Beesha Makaahiil

Tuesday November 26, 2024 - 20:08:51
0 Comments
29
Super Admin
Borama (Xisbiga Waddani) Madaxweyne ku-xigeenka la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Amb.Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa saaka qaabilay,isla markaana kullan gaar ah la yeeshay Guddida , Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta Beelaha Madaxyo-weynta (Makaahiil,Gadabuursi). Madaxweyne ku-xigeenka dooran ee JSL Mudane Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa uga mahadceliyey Beesha shaqadii adkayd ee ay soo qabteen wakhtigii ololaha Doorashooyinka iyo doorkii shariifka ahaa ee ay ka soo qateen dhismaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta Kale Beesha ayaa dhinacooda u duceeyey Madaxweyne ku-xigeenka la doortay ee JSL,iyaga oo alle uga baryey inuu xilka ku asturo una fududeeyo.

Leave a comment