Madaxweynaha la doortay ee Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo kullamo la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenadii hore iyo Hoggaanka xisbiga KAAH,Masuuliyiinta ururkii Barwaaqo iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada

Thursday November 21, 2024 - 20:20:01
0 Comments
65
Super Admin
Hargeysa-21-11-2024-(Xisbiga Waddani)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Madaxweyne ku-xigeen Somaliland Mudane Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa saaka kullan gaar ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenadii hore ee JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Kulankooda oo ahaa booqasho iyo salaan ayaa waxaa madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa alleh uga baryeen in xilkooda ku asturo.
Dhanka kalena Madaxweynaha la doortey ee JSL Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa saaka kulan la yeeshay hogaanka xisbiga KAAH .
Madaxweynaha iyo hoggaanka xisbiga KAAH ayaa waxay ka wada hadleen arimo ay ka mid yahiin guushii isbaheyga mucaaridku ka gaadheen doorashdii dhawaan dalka ka dhacdey .
Sidoo kalena Madaxweynaha la doortey ee JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qaabilay isla markaana kulan la yeeshay hogaanka urur siyaasadeedkii Barwaaqo .
Urur siyaasadeedka Barwaaqo ayaa ka mid ahaa ururadii isbaheysiga la lahaa xisbiga WADDANI .
Dhanka kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qaabilay Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland,kuwaas oo salaan iyo duco ugu yimid madaxweynaha la doortay
Xildhibaanadan ayaa madaxweynaha cusub alleh uga baryay inuu xilka ku asturo , waxaana ay siiyeen talooyin .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si kal furran u qaabilay oo kullan la yeeshay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyaha Ururada siyaasada Siciid Maxamed Cilmi Siraadle,kuwaas saaka booqasho iyo salaan ugu yimid madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortey ee Somaliland .


Leave a comment