Hargeysa (Xisbiga Waddani) Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji ),
ayaa kullan ballaadhan oo lagu dar-dargelinayo hawlaha shaqo ee Xisbiga la qaatay qaar kamid ah guddiyadda Kaambeynka Xisbiga ee Ardaayadda Beesha Subeer Awal iyo xubno kamid ah taageerayaasha Xisbiga.
Kullankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayey oo lagaga wadda hadlayey sidii maal-maha kooban ee ka hadhay doorashada iyo maalinta doorashada dhex-da loogu xidhan lahaa oo loogu shaqayn lahaa si naf hurnimo leh sidii ay ugu guullaysan lahayeen doorashooyinka Musharraxiinta Xisbigu iyo weliba Xisbiga.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey xubnaha guddiyadda dedaalkoodka ay waddaan,waxaanu uu ku booriyey inay sii laban-laabaan hawlahood shaqo maal-maha ka hadhay doorashada si uu Xisbigu u hanto guulaha doorashooyinka Madaxtooyadda iyo ururadda.
Kullankan ayaa wuxuu ku soo dhammaaday guul iyo isfgarad waxaana la isku waafaqay in hawlaha shaqo la sii xoojiyo oo laga shaqeeyo sidii ay doorashadda ugu guullaysan lahayeen Musharraxiinta Xisbigu iyo weliba Xisbigu