Burco (Xisbiga Waddani) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta si mug weyn u soo dhaweeyay Maayarka iyo Maayar Kuxigeenka Degmada Burco, Mudane Maxamed Xirsi Axmed iyo Mudane Suldaan Jaamac Nuux, oo maanta go'aansaday kuna qancay in ay xisbiga WADDANI dib ugu soo laabtan oo dhisaan doorashooyinka innagu soo aaddan. Ka dib markii ay dhawaan ka baxeen, balse ay maanta mar kale dib ugu soo noqdeen.