Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo kulan la yeeshay Guddida Ololaha Doorashada Beesha Abokor Muuse (Arab)

Thursday October 24, 2024 - 21:20:59
0 Comments
82
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, Xuseen Axmed Caydiid oo ay weheliyaan masuuliyiinta xisbiga iyo guddida Ololaha Beesha Muuse Abokor ee Xisbiga Waddani  ayaa maanta yeeshay kulan lagu kala qaatay qorshaha hawlgal balaadhan oo wacyigelinta doorashada ah kaas oo laga fulin doono Deegaanada Beeshu degto ee caasimadda Hargeysa iyo gobolka Hawd. 

Xusen Axmed Caydiid, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani oo ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in la gaadhay xiligii loo diyaar garoobi lahaa Maalmaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga Waddani, loona baahan yahay sidii Beeshu u soo bandhigi lahayd cududeeda Taageero ee ay la bar bar taagan yihiin Xisbiga Rejada Shacabka Waddani, waxa uu Xusen Axmed Caydiid ku dardaaray in xisbiga waddani meelaha uu taageerada weyn ku leeyahay ay ka mid tahay deegaanada ay degto Beeshani,
sido kale kulankaasi waxa ka hadlay xubno kale oo ka qayb galay kulankaasi, waxanay soo bandhigeen qorshe balaadhan oo ay kaga qayb qaadanayaan ololaha Xisbiga Waddani. 


Leave a comment