Burco (Xisbiga Waddani ) Gudoomiyaha Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani ayaa xalay ka qayb galay xaflad balaadhan oo Beelaha Buraale Maxamed Iyo Jibriil maxamed
ay taageeradoodii ku dhawaaqeen in ay la barbar istaagayaan Xisbiga WADDANI Iyo musharaxiintiisa.
Xaflada oo ay ka soo qayb galeen Gudomiyaha xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali X Xasan ,Xildhibaano iyo Masuuliyin xisbiga ka tirsan, hadal kooban oo uu xaflada ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Rejada shacabka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa uga mhad celiyay labada beelood ee ku soo biiray xisbiga iyo taageerada balaadhan ee ay la barbar istaageen Xisbiga Waddani iyo Musharaxiintiisa Doorashada soo socota.