kulan loogu diyaar garoobaayo Maalmaha Ololaha Doorashada oo lagu qabtay Xarunta Xisbiga Waddani ee Galbeedka Hargeysa

Wednesday October 23, 2024 - 00:10:23
0 Comments
7
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji), oo ay weheliyaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani
 ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta xisbiga  Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex kaas oo lagu lafo-guraayey hawlaha baaxadda leh ee xisbigu u igmaday iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada muddada koobani ka hadhsan tahay ee uu xisbiga wadanni uu isu diyaarinaayo.iyo sidii looga qayb qaadan lahaa Maalmaha Ololaha Doorashada, oo la doonaayo sidii taagerayaasha xisbiga Waddani ay usoo bandhigi lahaayeen awooda ay ku leeyihiin guud ahaan dalka.


shirkan oo maanta lagu qabtay xarunta Xisbiga Rejada Shacabka ee Galbeedka Magaalada Hargeysa, hadal uu ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) ayaa masuuliyiintii ka soo qayb galay kulankaasi waxa uu kula dardaarmay sidii looga hawl geli lahaa u diyaar garowga Ololaha Doorashada Maalmaha xisbigu u leeyahay iyo sidii bulshada iyo taageerayaasha xisbiga loogu baraarujin lahaa in ay diyaar u ahaadaan maalinta doorashada oo ay ka hadhsan tahay wax yari. 

Leave a comment