Beesha bahabar Celi oo Taageero weyn la bar-bar istaagtay Xisbiga Waddani

Monday October 21, 2024 - 23:04:38
0 Comments
13
Super Admin
Borama (Xisbiga Waddani) Beel waynta Bahabarceli oo ka mid ah Beelaha Dega Gobolka Awdal ayaa taageero mug iyo miisaanle u muujiyay Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani.

Xaflad balaadhan oo caawa lagu qabtay Magaalada Borama, ayaa waxa ka soo qayb galay, Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Waddani. Amb Maxamed Cali Aw Cabdi, Gudoomiye xigeenka 2aad ee gollaha Baarlamaanka Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Abubakar Good, Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed faarax, Xildhibaan Maxamed Abiib iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Gobolka Awdal. 

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani. Amb Maxamed Cali Aw Cabdi, oo hadal kooban ka jeediyay Xaflada ayaa si weyn ugu mahad celiyay Beesha Bahabarceli, ee taageerada miisaanka leh la bar bar is taagay Xisbiga Waddani. Amb, Maxamed Cali waxa uu ku booriyay Beesha iyo taageerayaasha cusub ee caawa ku soo biiray Xisbiga Waddani in ay ka qayb qaataan Mudada uu socdo Ololaha Xisbiga Waddani. 


Leave a comment