Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay Gabiley

Monday October 14, 2024 - 00:10:01
0 Comments
33
Super Admin
Gabiley 13-10-2024- musharaxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen, Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi,

iyo masuuliyiiin sare oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Gabiley.

 

taageerayaal tiro badan oo ka tirsan xisbiga Waddani oo sitay Calanka Xisbiga Waddani ayaa si balaadhan ugu soo dhaweeyay weftiga banaanka magaalada ka dibna waxay u galbiyeen gudaha magaalada Gabiley, Masuuliyiinta xisbiga waddani ee Gobolka Gabiley oo ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiin iyo masuuliyiin culus, ayaa jawi farxad leh ku qaabiley weftiga uu hogaaminaayo Musharaxa Xisbiga Waddani.

 

taageerayaasha Xisbiga Waddani ee gobolka Gabiley, oo sitay caleemo qoyan iyo calanka Xisbiga Waddani, ayaa ku dhawaaqaayay in ay diyaar u yihiin sidii ay codkooda u siin lahaayeen Musharaxiinta Xisbiga Waddani, si uu dalka uga dhaco Isbedel balaadhan.

 

Musharaxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa masuuliyiinta iyo taageerayaasha Gobolka Gabiley uga mahad celiyay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen.

 



Leave a comment