TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Maxamed Ciise oo Hargeysa ku geeriyooday.

Monday January 15, 2024 - 21:41:20
0 Comments
78
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Maxamed Ciise oo Hargeysa ku geeriyooday. Musharraxu wuxuu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Marwo Maryan Maxamuud Dirir Xoghayaha Xuquuqal Iisaanka iyo Xidhiidhka hay'adaha ee Xisbiga WADDANI oo marxuumku inaabtigeed ahaa iyo dhammaan qoyska balaadhan ee uu ka baxay. Musharraxu waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi May be an image of ticket stub and text

Leave a comment