Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Malow oo Hargeysa ku geeriyooday

Friday October 02, 2020 - 20:00:05
0 Comments
795
Xisbiga WADDANI
TACSI 

Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Malow oo Hargeysa ku geeriyooday. 


Mudane Cabdiqaadir Jirde wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa addoon wanaagsan oo samo-talis ah, islamarkaana ku astaysna shakhsi hawl kar ah oo hufnaan iyo shaqo wanaag ku sifoobay muddadii uu siyaasadda ku jiray oo uu ilaa heer wasiir ka gaadhay. 

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo gaar ahaan qoyska reer Cabdi Malow ee uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun




Leave a comment