TACSI Musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska,ehelada,waxgaradka,waayeelka,Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Kayse Muxumed Cabdi oo xalay ku geeriyooday Hargeysa

Saturday December 16, 2023 - 10:41:32
0 Comments
85
Xisbiga WADDANI
.

TACSI

Date: 16kaDecember2023ka

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Kayse Muxumed Cabdi oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Musharraxu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga WADDANI mudane Mawliid Kayse Muxumed (Mawliid Qaro) oo uu aabbihii ahaa iyo dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, saaxiibadii iyo bulshada uu caaqilka u ahaa.

Musharraxu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Maxamed Faarax Cabdi

May be an image of text



Leave a comment