Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Hadhimo Sharafeed Tacsi iyo Soodhawayn Ah U Sameeyay Qoyska Reer Ibraahim Abees Iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Bakaal.

Wednesday November 01, 2023 - 21:57:58
0 Comments
164
Xisbiga WADDANI
Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyaan madaxda sare ee Xisbiga Waddani ayaa hadhimo sharafeed tacsi iyo soo dhawayn ah wuxuu Magaaladda Hargaysa ugu sameeyay Qoyska Ibraahim Aadan Cismaan (Reer Abees) oo geeri naxdin badan ku timi wiilkoodi Mustafe Ibraahim. Sidoo kale wuxuu kulankaas martiqaadka ahaa ku soo dhaweeyay Siyaasi Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani, oo socdaal kaga soo laabtay Waddanka Maraykanka.
Murashaxa Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay munaasibadii hadhimo sharafeedka ahayd ee uu sameeyay ayaa sheegay inuu la qayb sanaayo geerida ku timi Qoyska reer Abees, wuxuuna Alle uga baryay inuu jannooyinkiisa ku casuumo Marxuum Mustafe Ibraahim.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo dhawaynaayo Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo ah Abwaan caan ah oo la dhashay Marxuumka geeriyooday, iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) oo kamid ah madaxda Xisbiga Waddani.
Xaaji Ibraahim Aadan Cismaan (Abees) ayaa ka mahadnaqay tacsida qoyskiisa ku timi siduu ula qayb saday musharraxa Xisbiga Waddani isagoo mahadnaq kadibna ugu duceeyay musharraxa Xisbiga Waddani hamigiisa inuu Alle ku guuleeyo.


May be an image of 14 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people, beard, people smiling and eyewear

Leave a comment