TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye Xirsi Cali ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, Bahweynta Fanka iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Hargeysa ku geeriyooday

Saturday October 28, 2023 - 10:47:40
0 Comments
140
Xisbiga WADDANI
.
TACSI
Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyaga oo ku hadlaya afka hoggaanka Xisbiga, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa ay si wada-jira tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Bahweynta Fanka iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.
Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa marxuumka ku sifeeyay shakhsi si hagar la’aan ah ugu adeegay bulshadiisa, isaga oo ahaa, abwaan, macallin, qoraa iyo u dhaqdhaqaaqe xuquuqda bulshada, islamarkaana fikir badan iyo tacab maskaxeed ku bixiyay in uu dhaxal suugaaneed oo aan duugoobayn iyo buuggaag taariikh iyo aqooni ku kaydsan tahay uga tago bulshadiisa.
Musharraxa iyo Guddoomiyuhu waxa ay Illaahay uga baryayaan Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Soomaalida ee uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Maxamed Faarax Cabdi


May be an image of text

Leave a comment