TACSI Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Ibraahin Aadan Cismaan oo magaalada Hargeysa lagu aasay kadib markii gacan ka xaq darani dishay.

Wednesday October 25, 2023 - 11:05:59
0 Comments
169
Xisbiga WADDANI
TACSI Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, magaca qoyskiisa iyo magaca Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Ibraahin Aadan Cismaan oo magaalada Hargeysa lagu aasay kadib markii gacan ka xaq darani dishay. Mudane Cadiqaadir Jirde waxa geerida marxuumka uga tacsiyaynaya qoyska balaadhan ee uu ka baxay gaar ahaana Waalidkii, walaalihii, Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo guud ahaan qoyska weyn ee uu ka baxay. Waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Faarax Cabdi May be an image of text

Leave a comment