TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Ibraahin Aadan Cismaan oo caawa rasaas boolisku riday ugu geeriyooday magaalada Hargeysa.

Tuesday October 24, 2023 - 00:19:43
0 Comments
162
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Ibraahin Aadan Cismaan oo caawa rasaas boolisku riday ugu geeriyooday magaalada Hargeysa. Musharraxu wuxuu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo marxuumka adeer u ahaa, Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo marxuumku walaalkii ahaa iyo dhammaan qoyska balaadhan ee uu ka baxay. Musharraxu waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi May be an image of text

Leave a comment