TACSI Musharraxa madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiye Xirsi Cali X Xasan ayaa tacsi tiiraanyo leh u wada diray qoyska, ehelada, waayeelka iyo guud ahaan bulshada SL ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Qabile oo Burco ku geeriyooday maanta.

Wednesday October 11, 2023 - 20:45:36
0 Comments
220
Xisbiga WADDANI
.
TACSI
Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ku hadlaya Afka xisbi Weynaha WADDANI waxay si wada jira tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Qabile oo magaalada Burco ku geeriyooday maanta.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golihii hore ee Wakiillada, waxaanu door weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka. Waxa uu ahaa shakhsi mabda adag oo xaqa sheega kaalin weyna ugu jiray Xisbiga WADDANI oo uu muddo dheer ka mid ahaa.
Masuuliyiintu waxa ay marxuumka Illaahay uga baryayaan in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qoyska iyo ummadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Maxamed Faarax Cabdi


May be an image of text

Leave a comment