TACSI Musharraxa madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Sheekh Dalmar oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Saturday October 07, 2023 - 11:27:19
0 Comments
207
Xisbiga WADDANI
.

TACSI

Date: 7Da October 2023ka

 

Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Sheekh Dalmar oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Musharraxu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo marxuumku Aabbihii ahaa iyo dhammaan qoyska balaadhan iyo ehelka uu ka baxay.

Musharraxu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Mudane Maxamed Faarax Cabdi

May be an image of text


Leave a comment