Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan Xisbiga WADDANI ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble oo ku geeriyooday dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Monday September 28, 2020 - 09:31:06
0 Comments
705
Xisbiga WADDANI

TACI

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan Xisbiga WADDANI ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble oo ku geeriyooday dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Guddoomiyuhu wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa addoon wanaagsan oo samo-talis ah, islamarkaana xisbiga WADDANI oo uu aasaaseyaashiisa ka mid ahaa ugu astaysna shakhsi hawl kar ah oo hufnaan iyo shaqo wanaag ku sifoobay.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, xisbiga WADDANI laantiisa UK ee uu ka tirsana, asxaabta iyo Qaranka uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun





Leave a comment