Tacsi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska,Qaraabada,waxgaradka,waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan JSL ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaaskii Guud ee Beesha Ayuub Sheekh Isaxaaq Marxuum Ugaas Ismaaciil Cabdi Huluul.

Wednesday August 02, 2023 - 10:08:26
0 Comments
298
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaaskii Guud ee Beesha Ayuub Sheekh Isaxaaq Marxuum Ugaas Ismaaciil Cabdi Huluul oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Musharraxu waxa uu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay JSL, waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, nin nabadeed ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland, door weyna ku lahaa geeddi socodka Somaliland ee wada jirka iyo xasilloonida guud. Waxa uu sidoo kale door weyn ka qaatay taageerada bulshadu u fidisay xisbiga WADDANI oo uu ka mid ahaa dadkii sida weyn u taageeray. Musharraxu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, saaxiibadii iyo bulshada uu Ugaaska u ahaa, wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Waaxda Waf faafinta xisbiga WADDANI May be an image of text

Leave a comment