"Goormaan himiladaydiyo Gaadhayaa hankaygoo Dalkaygow ku helayaa Adigoo hore u maray."

Monday June 26, 2023 - 01:30:50
0 Comments
213
Xisbiga WADDANI
Munaasibadda 26June awgeed waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland sannad guurada 63aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadoodii ka qaateen gumaystihi reer Yurub.
Dareenka ku aaddan habeenkaa oo ninba si u muujiyay, dhan iyo dacalna ka istaagay waxa aan ku cabbiray maansadan:
Goormaan himiladaydiyo,
Gaadhayaa hankaygoo,
Dalkaygow ku helayaa,
Adigoo hore u maray.
Goormaan hammigan iyo
Ladhku iga hadhaayoo,
Dadkaygow ku helayaa
Adigoo harraad baxay.
Goormaan hiilka dunidiyo,
Ictiraafka helaynnaa
Hagrashada ka baxaynnaa.
Goormaan horseed iyo
Noqonayaa hormuudkii,
Dunidu haybinaysoo,
Hagayaa islaamkoon
Haybaddiisa soo celin.
Goormaan hirarka noloshiyo
Gaadhayaa hilaaddoon,
Hogashiyo barwaaqada,
Hayaanka aan ku furayaa.
Goormaan hanfadihiyo
Hawo-raaca garanoo,
Kala saari hororkiyo,
Halyayga ii nasteexa ah.
Goormaan hayb la kala guro,
Hurgumada qabiilkiyo,
Quudhsiga ka hadhayaa.
Goormaan hubqaadkiyo
Hiddahayga wacan iyo
Huga dhaqanku leeyahay
Garanayaa qofkaan ahay.
Goormaan heli waxbarashiyo
Cilmiga haybaddiisiyo,
Edab lagu hagaagoo,
Dhaqankayga hodonka ah,
Da'yarta aan ka haqabtiri.
Goormaan hilaabtiyo
Hilayga aan ka jarayaa
Macdan haabta jiiftoo,
Harooyin shidaaliyo,
Hogagga dahabku yuururo
Dheemantaayn ku helayaa.
Goormaan hooyooyinkeenniyo,
Hableheennu dhigayaan,
Hengefta dhiillo-sidihiyo,
Hoogga tahriibku leeyahay.
Goormaan haweenkiyo,
Arkayaa bartbaartoo,
Hurdadii ka toosoo,
Odaygu heegan yahayoo,
Geesiyaal horkacayiyo,
Cuimadiyo haldoorkuna,
Hirka muuqa dheer iyo
Dunida haybsanaysoo,
Hiyi qudha wadaagtoo
Diintuna seeska hoosiyo
Halbeegga nolosha ii tahay.
Mustaqbalka oo aan hilaadshiyo
Hindisiyo barbilow iyo
Xasanow hogo tusaaliyo
Midhkani waa iga hawraar
Hadba kii talada joogee
Haaneeda maandeeq hilin iyo
Tusaaliyo hogseeg laga ilaashiyo
Horseedehana waw toosh
Anigana hibo ilaah iyo
Deeq uu hodonku bixiyo
Abaal aan hadhayn iyo
Hadyad weeye ii taal.
Hambalyo ayaan mar kale leeyahay dadkayga iyo shacabkayga qiimaha badan.



Leave a comment