TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Usaama Yaxye Maxamed oo gacan ka xaqdaran ku dishay dalka Canada.

Monday June 19, 2023 - 13:28:35
0 Comments
310
Xisbiga WADDANI
.
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Usaama Yaxye Maxamed oo gacan ka xaqdaran ku dishay dalka Canada.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo,
Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka ka tacsiyaynaya xoghayaha Gaashaandhigga Rashiid Cabdillaahi Macallin oo abti u ahaa marxuumka iyo dhammaan qoyska uu ka baxay, ehelada iyo qaraabada oo uu Illaahay uga baryayo in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Waaxda War faafinta xisbiga
WADDANI
May be an image of text

Leave a comment