Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Aadan Qalinle oo xaqii ugu yimid magaalada Hargeysa.

Thursday September 03, 2020 - 12:35:35
0 Comments
489
Xisbiga WADDANI

Hargeysa ( WMG )

TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Aadan Qalinle oo xaqii ugu yimid magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa addoon wanaagsan oo samo-talis ah, waxaanu si gaara ugu tacsiyaynaya Sheekh Shabcaan oo uu aabihii ahaa iyo guud ahaan qoyska balaadhan ee Ilma Sheekh Cabdillaahi.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta marxuumku ka tagtayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun




Leave a comment