Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo si kulul u cambeereyey xayiraadda Fly Dubai & Air Arabia saaran, iyo Dayaca Dawladda Hoose ee Hargeysa

Monday August 31, 2020 - 13:16:40
0 Comments
509
Xisbiga WADDANI

Hargeysa ( WMG ) 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa si qoto dheer uga hadlay dayaca jidadka Hargeysa iyo adeeg xumada dawladda hoose waxaanu bulshada reer Hargeysa ku boorriyay in ay ka fiirsadaan dadka ay dooranayaan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dhaqaale xumo baahsan ay wajahayso bulshada Somaliland. Waxa uu xukumadda ugu baaqay in ay wax u qabato dadka ay qaadi jireen shirkadaha Air Arabia iyo FLY Dubai ee xukumaddu ruqsadda kala noqotay oo dad badan oo ay qaadi jireen ku xanniban yihiin dalka iyo dibadda.

"Xilliyadan roobabowga reer Hargeysa way cawdaan. Waa xilliyada reer Hargeysa arkaan maamulkoodu sida uu yahay iyo maayarkoodu sida uu yahay. Hargeysa mushkiladda haysta waa maamul xumo, waxaynu ognahay in dib u dhac weyni magaalada ka jiro haddii aad eegto waddooyinka, nadaafadda iyo adeegyada kale ee bulshada ee dawladaha hoose fuliyaan waxaa kuu soo baxaysa in Hargeysa tahay magaalo caddilan oo dhibaataysan, waana caddilnaan iyo dhibaato ciddii loo dhiibay ee lagu aamminay masuuliyaddu badday,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

Waxa uu intaasi raaciyay in bulshada reer Hargeysa 37% lagu qiyaaso dad gaajaysan oo ku nool maalintii wax ka yar hal doolar ($1.25). waxa uu tilmaamay in dadka reer Hargeysa oo bixiya Cashuur aan loogu qaban wixii ay mudnaayeen. Waxa kale oo uu qorshe la’aan iyo hoggaamin xumo ku tilmaamay in dadka danyarta ah ee suuqyada ku ganacsada lagu tacadiyo iyada oo aan loo samayn suuq nidaamsan oo ay ku ganacsadaan.

"Haddii aad reer Hargeysa tahay oo aad Berbera tagto waad hinaasaysa. Waxa aad arkaysa waxa yar ee ina soo gala haddii la is yidhaa wax ku qabta in ay nolosha wax ka bedeli karayaan, in ay waddooyinka wax ka bedeli karayaan, in ay hab nololeedka wax ka bedeli karayaan. Carruurta yaryar ee Berbera tagta ayaa arki karaysa farqiga u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxay hadda bilaabeen samaynta calaamadaha waddooyinka, Hargeysa-na waad aragtaan oo ka dad badan, ka cashuur badan,” sidaas ayuu yidhi xoghaha WADDANI.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI waxa uu bulshada reer Hargeysa ugu baaqay in ay fursadda doorashada soo socota ka faa’iidaystaan oo doortaan dad wanaagsan oo u adeega.

Geesta kale xoghayaha xisbiga WADDANI waxa uu tilmaamay in dhaqaalaha dalku dhibaato ba’an wajahayo ‘Hoosta ayuu dhaqaalaheenii ka musalafaya, waddankii dhaqaale xumo aad u daran baa ka jirta. Ganacsatada yaryar haddii aad u tagto oo waraysato ganacsiga kacaya wuu tiro beelay in ganacsi cusub abuurmo iska daaye,” ayuu yidhi Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI waxa uu ka digay in hay’addaha dawladdu dano gaar ah u adeegsadaan furfurnaanta ganacsiga ee dalka islamarkaana aan dad gaar ah loogu xidhin kooto adeegyada taas oo curyaaminaysa dhaqaalaha. Waxa uu sheegay in shirkadaha Air Arabia iyo FLY Dubai oo xukumaddu kala noqotay ruqsada ay saamayntoodu taabatay bulshada, islamarkaana dad badan oo tigidho ka haystay ku xaniban yihiin meelo badan oo Dunida ah.

"Dad sideed kun (8000) oo qof gaadhaya oo tigidho ka haystay labadaa shirkadood (FLYDUBAI iyo AIR ARABIYA) ayaa meelo kala duwan oo Adduunka ah ku xaniban. Dadkaa waxa ka mid ah dad tag daran oo dhakhtarro tagay sida Hindiya iyo Turkiga oo markii dawladdoodii adeeg caafimaad u fidin wayday oo tahli wayday in xanuunada yar ee fudud dawadoodii iyo dhakhaatiirtii in ay u samayso ay ku kallifnaadeen in ay dalalkaas caafimaad u tagaan, dadkaas oo dalkooda ku soo noqon lahaa waxay u xaniban yihiin wax ay tigidh iskaga bixiyaan bay la yihiin, dawladdu xataa kama fikirayso dadkaa sidee baad dalkooda ugu soo celisaan, malaha madaxweynuhu ma dareemayo in dadka uu masuul ka yahay oo dadkiisii yihiin, waxa dadkaa ka mid ah dad masaariiftii ka go’day oo duruufta ay ku nool yihiin in ay dawarsadaan in yar u jira. Dawladnimadu dadkaa diyaarado gaar ah bay u diri lahayd oo way soo qaadi lahayd,” ayuu yidhi xoghaye Khadar.

"Shirkadihii isgaadhsiinta ee Waddankan dhismaha ay ka gaysteen iyo dhaqaalaha ay ku maalgaliyeen iyo inta qof ee ka shaqaysa iyo sida marka ay dhibaato timaaddo ay ugu gurmadaan aynu ognahay waxaynu marayna in wasaaraddu inta warqad u soo dirtay leedahay qalab ma soo iibsan kartaan ilaa amar dambe. Taas macnaheedu waxa weeye haddii maanta qalab ka jabo awood uma laha in ay soo iibsadaan, tusaale ahaan adeegga ZAAD qayb weyn buu ka yahay lacagta wareegaysa iyo dhaqaalaha Waddanka haddii maanta nidaamka uu ku shaqaynaya jabo awood uma leh ay ku soo iibsadaan, adeegga E-Dahab-na waa sida oo kale, taas lagama fikirayo, waana labada meelood ee lacagta Waddanku marto ee dhaqdhaqaaqa ganacsiga ugu badan dadku ka sameeyaan,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha xisbiga WADDANI.




Leave a comment