Hargeysa ( WMG )
Gudoomiyaha garabka haweenka gobolka Maroodijeex ee xisbiga WADDANI
Marwo Foosiya Maxamed Xirsi
ayaa xafiiska gobolka ku qaabishay 8-da guddoomiye degmo ee garabada haweenka

ee caasimadda Hargeysa iyo haween waynaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga WADDANI

Waxa madasha ka soo qayb galay garabka haweenka ee heer qaran iyo Marwada guddoomiyaha xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble
kulankan ayaa ku soo dhammaaday taabo gelinta wada shaqaynta iyo wada jirka garabada haweenka ee xisbiga.





