Guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Md Cabdirashiid Cabdi Jaamac ayaa saaka xarunta xisbiga kula kulmay daladda Talowadaag oo ka mid ah daladaha dhalinyarada ee xisbiga ku xidhan kuwooda ugu waa wayn.

Sunday August 23, 2020 - 12:22:55
0 Comments
455
Xisbiga WADDANI

Hargeysa ( WMG ) 
Guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Md Cabdirashiid Cabdi Jaamac ayaa saaka xarunta xisbiga kula kulmay daladda Talowadaag oo ka mid ah daladaha dhalinyarada ee xisbiga ku xidhan kuwooda ugu waa wayn.



Kulankan ayaa daaranaa isbarasho iyo xog warran xaaladda guud ee wadanka ee ay dhalinyarada ku sugan yihiin. Hogaanka daladda ayaa guddoomiyaha uga warramay sida ay xisbiga ugala soo dabaasheen marxalado kala duwan oo waayahooda watay iyo sida ay ugu heellan yihiin ka midho dhalinta hadafka xisbiga.
Ugu dambayntii guddoomiyaha garabka dhalinyarada ayaa uga mahadceliyay sida ay marwalba xisbiga u garab taagan yihiin, waxaana uu kula dardaarmay in qaranka iyo xisbigaba loo shaqeeyo maaddaama ay hoggaankii beri dhalinyaradu tahay



















Leave a comment