HAMBALYADDA SANNADKA CUSUB EE ISLAAMKA GUDDOOMIYE CIRRO

Wednesday August 19, 2020 - 19:53:31
0 Comments
688
Xisbiga WADDANI

Hargeysa ( WMG ) 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane' C/raxmaan Maxamed C/laahi "Cirro" isaga oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanka sarre ee xisbiga, fulinta xisbiga, garabada haweenka iyo dhallinyaradda xisbiga, guddoomiyayaasha goboladda xisbiga, laamaha dibadda iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay daafaha dunida ka Joogaan.


Guddoomiyuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo barkhad iyi baadhaadhe nololeed.

Sannad wacan oo suuban


Barkhad Jaamac Batuun
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Leave a comment