TACSI GUDDOOMIYE
Date: 15KaMay 2021ka
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku
hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka
ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo
asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum
Cabdicasiis Siciid Faarax magaalada Hargeysa ku geeriyooday.
Guddoomiyuhu waxa geerida marxuumka si gaar ah uga
tacsiyaynaya Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha
Wakiillada ku metela Xisbiga, ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee
Xisbiga WADDANI oo marxuumku walaalkeed ahaa iyo guud ahaan Qoyska uu ka baxay.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu
su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo,
qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah
ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ
رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun