Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xisbiga WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khaire iyo Xoghayaha Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa ka qayb galay munaasibad ay ku kulmeen Musharraxiinta Xisbiga ee Degmada Gabiley iyo Maroodijeex.

Wednesday April 28, 2021 - 09:41:26
0 Comments
629
Xisbiga WADDANI
Munaasibaddan oo isugu jirtay Afur iyo Casho waxay kulmisay 13-ka Musharrax ee xisbiga uga tartamaya Golaha Deegaanka Degmada Gabiley iyo Saddexda Musharrax ee Xisbiga uga tartamaya Gobolka Maroodijeex kana soo jeeda deegaannada Gabiley. Waxa kale oo kulanka qayb ka ahaa madaxda heer gobo lee xisbiga iyo madax dhaqameed miisaan ku leh gobolka Gabiley.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isbarashada musharraxiinta, tabaabushaynta olole midaysan oo musharraxiintu ku wajahayaan doorashada wakhtiga yar ka hadhsan yahay waxaanu kulankaasi ku dhammaaday is fahan iyo dardar gelinta sidii Xisbiga WADDANI guul uga gaadhi lahaa doorashada gaar ahaana gobolka Gabiley.
May be an image of 5 people, people sitting and people standingMay be an image of 3 people, people standing, people sitting and indoorMay be an image of 12 people, people standing and people sittingMay be an image of 1 person and standingMay be an image of 4 people and people standingMay be an image of 1 person and standingMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person, standing and indoor


Leave a comment