TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Ruun Xaaji Good oo dalka Itoobiya ku geeriyootay.

Saturday April 24, 2021 - 12:12:28
0 Comments
547
Xisbiga WADDANI

Date: 24KaApril 2021ka

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Ruun Xaaji Good oo dalka Itoobiya ku geeriyootay.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumadda si gaar ah uga tacsiyaynaya Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ay hooyadii ahayd iyo guud ahaan qoysaskii iyo carruurtii ay ka baxday.

Guddoomiyuhu Waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan qoysaska ay marxuummaddu ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun



Image


Leave a comment