Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qoyska iyo Qaraabada, uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Cabdi Raygal.

Sunday August 02, 2020 - 19:38:54
0 Comments
733
Xisbiga WADDANI
TACSI Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qoyska iyo Qaraabada, uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Cabdi Raygal.

Guddoomiyuhu wuxu si gaar ah ugu tacsiyeynaya Odey Cabdi Raygal oo kamid ah hoggaanka sarre ee Xisbiga WADDANI oo marxuumka Geeriyooday dhalay.

 

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta marxuumku ka tagtayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 

 

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun





Leave a comment