TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Maxamed Aadan (Aflahaar) oo magaalada Berbera ku geeriyooday.

Friday March 05, 2021 - 20:45:30
0 Comments
448
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Maxamed Aadan (Aflahaar) oo magaalada Berbera ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya dhammaan qoyska Reer Aadan Xaad iyo guud ahaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.


Leave a comment