Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo hoggaamiye Xirsi Cali oo maanta Salaadi Ciida kula tukaday xaafadda Daami ee magaaladda hargeysa dadweyne aad u tiro badan

Friday July 31, 2020 - 11:05:07
0 Comments
761
Xisbiga WADDANI
Guddoomiye' C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane' Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ay wehelinayaan Mas'uuliyiin badan oo Xisbiga WADDANI xilal waaweyn ka haya ayaa Maanta Salaadi Ciida kula tukaday xaafadda Daami ee magaaladda hargeysa dadweyne aad u tiro badan.



Masaajidka Nusru-diin oo ku yaal Xaafadda Daami dhawaanna dhismihiisa la dhammeeyey loona dhisay hab casri ah ayaa waxaa Guddoomiyaha iyo Mas'uuliyiinta Xisbiga ku soo dhaweeyey Imaamka Masjidka Sheekh Maxamed Axmed Adaan oo Khudbad qiimo badan jeediyey kadibna waxa hadalo kooban oo ciida fadligeeda ah madasha ka jeediyey Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Mudane' Mahdi Cisman Buuri iyo Guddoomiye Cirro' waxaanay Umadda ugu hambalyeeyeen Farxadda Ciidal Odxada.



























Leave a comment