Guddoomiyaha KMG ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Jaamac ( Ina Cabdi Dhagoole) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Sunday February 07, 2021 - 22:18:30
0 Comments
484
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha KMG ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Jaamac ( Ina Cabdi Dhagoole) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Mudane Cabdiqaadir Jirde waxa uu marxuumka ku tilmaamay shakhsi dad aqoon ahaa oo karti iyo samatalisnimo ku astaysna kana mid ahaa taageerayaasha firfircoon ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.


Leave a comment