Guddoomiyaha oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Foosiya Kayse Faarax, Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Xoghayaha Qorshaynta Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo masuuliyiin kale ayaa bulshada ku baraarujinayay muhiimadda ay leedahay diwaangelinta qaadashada kaadhka codbixintu.
Madaxda Xisbiga WADDANI oo la hadlay bulshada deegaanno ay ka mid yihiin Balli-Hiille, Labi-guul, Sanyare, Bicil-wayso, Waraabeeye, Harada gubato-xil, Bisiqa, Cali Jaamac, Bilcille, Riyo-Xidho, Yicib-Yabooh, Duruqsi, Goroyo-Xun, Xaaji Saalax, Laan-mullaaxo, Khaatumo, Gudubi waxa ay ku boorriyeen in ay si buuxda isu diwaangeliyaan fursaddan maalmaha kooban ah si ay u dooran karaan madaxda ay doonayaan ee wax u qaban karta.








































































